Ka bood dhex mushaaxida

Xubinnimada Xisbiga

Xisbiga Badbaado Qaran waxaa xubin ka noqon kara qof kasta oo Soomaali ah oo buuxiya Shuruudaha ku qoran Qodobka 22aad ee Xeer-hoosaadka xisbiga. Sidoo kale Xuquuqda, Waajibaadka xubnaha iyo Luminta xubinnimada waxay ku qoran yihiiin Qodobbada 23aad, 24aad iyo 25aad ee hoose:

Qof kasta oo Soomaali ah oo buuxiya shuruudaha hoos ku qoran waa uu ka mid noqon karaa xisbiga:

  1. Inuu Soomali yahay, aaminsan yahayna mabaadi’da xisbiga;
  2. In aanay da’diisu ka yarayn 15 sano;
  3. Inuu caqli ahaan fayow yahay oo uu awood buuxda u leeyahay gudashada xilkiisa xubinimo;
  4. Inuu ogol yahay xeerarka iyo barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga;
  5. Inaan maxakamad hore ugu xukumin danbiyada waaweyn ee lidka ku ah qaranimada iyo jiritaanka dawladnimo;
  6. Inuu si joogta ah u bixiyaa qaaraanka Xisbiga;
  7. In aanu xubin ka ahayn xisbi kale oo siyaasadeed.
  1. In la dooran karo waxna uu dooran karo; iyadoo la raacayo xeerka xisbiga loona magacaabi karo xilal xisbiga gudihiisa;
  2. Inuu ka qayb qaadan karo hawlaha xisbiga iyo doodaha lagaga hadlayo arrimaha xisbiga, kuna hadli karo magaca xisbiga haddii loo oggolaado;
  3. Inuu si xor ah u soo ban dhigi karo aragtidiisa soona jeedin karo talooyin ama dhaliilo la xiriira
    hawlaha xisbiga;
  4. Inuu si xor ah uga bixi karo xisbiga isaga oo sheegaya sababta uu uga baxay xisbiga hase yeeshee wax lacag ah looma celinayo;
  5. Inuu helayo aqoonsi xubinimo;
  6. Xubinta doonaysa in ay iska casisho xilka xisbiga waa inay qoraal ahaan u soo gudbisaa codsigeeda; 
  7. Xisbigu ma aqbalayo xubin ka tirsan xisbi kale ama urur siyaasadeed kale.
  1. Inuu u hoggaansamo mabaadi’da xeerka iyo go’aamada xisbiga;
  2. Inuu barnaamijka siyaasadeed iyo hawlaha xisbiga u fuliyo si daacadnimo ah;
  3. Inuu ka qayb qaato hirgalinta barnaamijka xisbiga, adeega, horumarintabulshadiisa iyo abaabulka shacabkaba;
  4. Inuu ilaaliyo sirta, hantida iyo sumcada xisbiga; 
  5. Inuu shacabkiisa ku abuuro ama ku abaabulo dareen wadaninimo; 
  6. Inuu xog ogaal u noqdo xaalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee wadanka;
  7. Inuu ka hortago wixii iska hor imaad bulsho keenaya sida eexda niyo qabyaaladda;
  8. Inuu soo bandhigo wixii tabosha ah xisbiga gudihiisa laakiin ay mamnuuc tahay inuu banaanka usaaro.
  1. Qofka oo iskii isku casilo; 
  2. Qofka oo geeriyoodo;
  3. Qofka oo la cadeeyay inuu ka horyimid xeerka iyo barnaamijka xisbiga, go’aamada guddiyada xisbiga heer kastaba; go’aanka lagu eryayo waxaa soo jeedinaya guddiyada laamaha, iyaga oo soo raacinaya warbixin arrintiisa la xiriirta, iyagoo u soo gudbinaaya guddiga anshaxa; 
  4. Qofka oo xilkiisa gudanwaayo arrimo caafimaad dartood;
  5. Qofka oo ku biira ama u ololeeya urur kale oo siyaasadeed.

Noqo qofka ugu horeeya ee faallo bixiya

Fadlan ka eeg iimeylkaaga liinkiga lagaga shaqeysiinayo koontadaada.