Xisbiga Badbaado Qaran (XBQ) wuxuu u taagan yahay:
- Ilaalinta Aminga, Xasilloonidda iyo Danta Guud ee Qaranka iyo sidii loo horumarin lahaa nolosha shacbiga Soomaaliyeed dhinac kasta;
- Gaar ahaan, XBQ wuxuu u taagan yahay Hoggaan daacada ah, hufnaan iyo karti leh oo ay ka go’aan tahay in uu gaadho go’aamada masiiriga ah ee adag oo wax ka qabanaya dhibaatooyinkii wadanka ragaadiyey oo madaxdii dawladihii hore ka war-wareegen;
- XBQ wuxuu tusaale wanaagsan u noqon doono Dawlad Wanaag oo ku siifoobay isla-xisaabtan, daah furnan iyo cadaalad;
- Haddii Eebe ku guuleeyo XBQ in talada wadanka hanado doorashooyinka soo socda ee 2021, mudnaanta kowaad ma noqon doonto sidii XBQ dib looso dooran laha doorashada soo socota sida caadada ah iminka Soomaaliya;
- Ugu dambayn, hoggaanka XBQ waxa ka go’an in talada dalka ka qeyb geliyo dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka