Ka bood dhex mushaaxida

Warsaxaafadeed VII

Press Release
May 02, 2021
Ref: XBQ/007/2021
Muqdisho, Soomaalia

   

WAR SAXAAFADEED

BAYAAN DR. CABDIRAXMAAN MAXAMED CABDI XAASHI
GUDOOMIYAHA XISBIGA BADBAADO QARAN (XBQ)

 

Xaaladda siyaasadeed ee dalka oo maraysa marxalad xasaasiya, isla markaana la galay xilli kala guur ah oo loo diyaar garoobayo in doorasho dadban dalka ka dhacdo, bulshada Soomaaliyeed waxay quuddarraynaysaa sidii isfaham siyaasadeed looga gaadhi lahaa ismaandhaafkan, isla markaana ay isha ku hayaan arrimaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

Haddaba Xisbiga Badbaado Qaran (XBQ) wuxuu soo dhaweenayaa codsigii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) in dib looga noqdo muddo kororsigii iyo fulinta codsigaa uu Golaha Shacabku uu ku tallaabsaday iyo xilwareejinta maamulka, hirgelinta iyo sugidda amniga doorashooyinka. Labadan go’aan ee uu Madaxweyne Farmaajo qaaday waxay qeyb ka ahaayeen taladii lixda qodob ahayd (#1 iyo #2) ee XBQ ku qeexneed war saxaafadeedkii uu soo saaray 27kii Abriil 2021 (War Saxaafadeed VI).

XBQ wuxuu mar kale sii xoojinayaa kuna baaqayaa in afarta qodob ee kale oo war saxaafadeedkaa ku xusneyd la tixgeliyo si loo gaadho yoolka ah in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, oo loo wada dhan yahay, kalsoonina ay Soomaalidu ku qabto. Afartaa qodobna waxa ay kala yihiin:

  1. Maadaama burburkii ugu dambeeyey ee wadahadalada ee teendhada Afasiyooni keenay is-eedayn foolxun oo dhexmartay madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland way adkaan doonta in is-afgarad lagu kalsoon yahay oo waara ka soo baxo wadahadalo dambe oo ay isugu soo noqdaan Farmaajo, Saciid Cabdullahi Dani iyo Axmad Maxamed Islaan (Axmed Madoobe). Sidaa darteed, waa in la balaadhiyaa saamileyda ka qeyb geli doonta shirka dambe oo ay ku jiraan ugu yaraan murashaxiinta madaxweynayaasha oo dhan iyo bulshada rayidka ah si heshiis lagu kalsoonan karo oo loo dhanyahay uu u soo baxo.
  2. Heshiiskii 17kii Sebtember waa in wax laga bedelo kol haddii sida aan kor ku sheegnay kalsoonidi luntay haddii ay tahay is-eedeyntii burburkii wadahadaladii Afasiyooni ama iska horimaadkii hubeysnaa iyo barakacii ka dhacay Muqdisho.
  3. Soomaalida oo keliya ayaa ku filan in ay tashadaan xalna keenaan. Beesha Caalamka iyo Midowga Afrika (AU) oo isku duuban waa in ay kor-jooge noqdaan oo taageeran heshiiska wadahadalada ka soo baxa.
  4. Ku degdegidda qabasho doorasho aan xalkeeda la isla helin waxay keeni kartaa muran, amni xumo iyo xasillooni darro aan loo baahnayn. Ugu dambeyn, waa muhim in waqti ku filan la siiyo wadahadalada, u diyaar garoowga iyo hirgelinta doorashada.

Ugu dambeyntii Xisbiga Badbaado Qaran waxa uu ku baaqayaa in laga feejignaado wada hadallada bilaabmi doona Bisha Maayo 20keeda sidii uu RW Maxamed Xussien Rooble iclaamiyey isla markaana Soomaali oo keliya ay gadhwadeen ka noqdaan oo aynan jaah wareerin ergooyin kala duwan, haddii ay ka socdaan Qadar, Midowga Africa (AU), iyo waddama kale; in kasto wanaag uga dan leeyihiin.

Muhiim bay tahay in RW Rooble fursad buuxda iyo madax bannaani la siiyo si ay ugu suurta gasho in la gaadho heshiis waara oo midha dhala.

 


Wa Billahi Attawfiiq

 

Halkan ka soo rogo warsaxaafadeedka:

 

 

 


Noqo qofka ugu horeeya ee faallo bixiya

Fadlan ka eeg iimeylkaaga liinkiga lagaga shaqeysiinayo koontadaada.