Ka bood dhex mushaaxida

Warsaxaafadeed VI

Press Release
April 27, 2021
Ref: XBQ/006/2021
Muqdisho, Soomaalia

   

WAR SAXAAFADEED

BAYAAN DR. CABDIRAXMAAN MAXAMED CABDI XAASHI
GUDOOMIYAHA XISBIGA BADBAADO QARAN (XBQ)

 

Maalmihii ugu danbeeyey waxaa magaalada Muqdisho ka taagnaa xaalado siyaasadeed oo cakiran isla markaana dhaliyey xasillooni darro ku baahaday magaalada, arrintaas oo keentay in ciidamadii qaranka ismaan-dhaaf soo kala dhexgalo taasina ay keentay iska hor-imaad hubeysan iyo barakac bulsho markii xasilloonidii magaaladu khatar gashay.

Dhinacyada magaalada dirirtu ku dhexmartay iyo siyaasiyiinta kala aragtida duwan intaba waxaa la gudboon in ay danta qaranka ka hor mariyaan danahooda gaarka ah.

Haddaba Xisbiga Badbaado Qaran (XBQ) wuxuu marka ugu horeysa soo dhaweynayaa tallaabada ay dawlad goboleedyada Galmudug, Hirshaballe iyo Koonfur Galbeed qaadeen taas oo ahayd aragtidooda ku aaddan xil kororsiga iyo heshiiskii 17kii Sebtember. Waxa kale oo aan soo dhaweyneynaa taageerada Ra’iisul Wasaarahu u muujiyey aragtida dawlad goboleedyada.

Waxaana u aragnaa si loo gaadho heshiis dalka gaadhsiiya doorasho qodobadan hoos ku xusan:

  1. Waxa muhim ah in si kalsooni leh loo sugo amniga iyo xasilloonida si ay u suurta gasho in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.
  2. Shaqaaqadii maalmihii dhawaa ka dhacay Muqdisho waxay si weyn u dhaawacdey is-aminkii iyo kalsoonidii ka dhexaysey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo isbaheysiga murashaxiinta madaxweyne. Sidaa darteed, waa muhim in aanu madaxweyne Farmaajo qeyb ka noqon abaabulka iyo fulinta doorashooyinka. RW Maxamed Xussien Rooble waa inuu ahaadaa masuulka federaalka ee doorashada hoggaaminaya sidii doorashada loogu qaban lahaa si wadajir ah.
  3. Maadaama burburkii ugu dambeeyey ee wadahadalada ee teendhada Afasiyooni keenay is-eedayn foolxun oo dhexmartay madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland way adkaan doonta in is-afgarad lagu kalsoon yahay oo waara ka soo baxo wadahadalo dambe oo ay isugu soo noqdaan Farmaajo, Saciid Cabdullahi Dani iyo Axmad Maxamed Islaan (Axmed Madoobe). Sidaa darteed, waa in la balaadhiyaa saamileyda ka qeyb geli doonta shirka dambe oo ay ku jiraan ugu yaraan murashaxiinta madaxweynayaasha oo dhan iyo bulshada rayidka ah si heshiis lagu kalsoonan karo oo loo dhanyahay uu u soo baxo.
  4. Heshiiskii 17kii Sebtember waa in wax laga bedelo kol haddii sida aan kor ku sheegnay kalsoonidi luntay haddii ay tahay is-eedeyntii burburkii wadahadaladii Afasiyooni ama iska horimaadkii hubeysnaa iyo barakacii ka dhacay Muqdisho.
  5. Soomaalida oo keliya ayaa ku filan in ay tashadaan xalna keenaan. Beesha Caalamka iyo Midowga Afrika (AU) oo isku duuban waa in ay kor-jooge noqdaan oo taageeran heshiiska wadahadalada ka soo baxa.
  6. Ku degdegidda qabasho doorasho aan xalkeeda la isla helin waxay keeni kartaa muran, amni xumo iyo xasillooni darro aan loo baahnayn. Ugu dambeyn, waa muhim in waqti ku filan la siiyo wadahadalada, u diyaar garoowga iyo hirgelinta doorashada.


Wa Billahi Attawfiiq

 

Halkan ka soo rogo warsaxaafadeedka:

 

 

 


Noqo qofka ugu horeeya ee faallo bixiya

Fadlan ka eeg iimeylkaaga liinkiga lagaga shaqeysiinayo koontadaada.