Ref: XBQ/005/2021
Muqdisho, Soomaalia
WAR SAXAAFADEED
BAYAAN UU SOO SAARAY GUDOOMIYAHA
XISBIGA BADBAADO QARAN (XBQ)
DR. CABDIRAXMAAN MAXAMED CABDI XAASHI
Mashaqada dhawaan ka dhacday deegaanka degmada Xuddun ee Gobolka Sool waxay ahayd mid murugo iyo welwel ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed.
Sidaasi awgeed Xisbiga Badbaado Qaran (XBQ) waxa uu ka tacsiyadaynayaa ehelladii, qaraabadii iyo qaranka Soomaaliyeedba intii ku dhimatay mashaqadaas, inta dhaawaca ahna Eebbe weyne ayuu caafimaad degdeg ah uga baryayaa.
Sidoo kale Xisbiga Badbaado Qaran waxa uu bogaadinayaa xoojinayaana ficilka wanaagsan ee nabadeed ee ergada iyo nin-garboodku ka wadaan sidii loo demin lahaa colaaddii dhawaan ka dhacday Gobolka Sool gaar ahaan degmada Xuddun aaggeeda. Waxa uu soo jeedinayaa xisbigu in loo dhega-nuglaado ergada goobta joogta iyo baaqyada ka soo baxaya cid kasta oo arrintani damqayso.
Run ahaantii waa ayaandarro haysata Soomaalida oo dhan in iyada oo lagu jiro bishii barakeysaneed ee Ramadaan isla markaana xanuuno saf-mar ah ay dad Soomaaliyeed la tiicayaan in dhiigoodu macnadarro ku daato.
Wa Billahi Attawfiiq
Halkan ka soo rogo warsaxaafadeedka: