Ka bood dhex mushaaxida

Warsaxaafadeed IV

Press Release
March 20, 2021
Ref: XBQ/004/2021
Muqdisho, Soomaalia

   

WAR SAXAAFADEED

BAYAAN KA SOO BAXAY XISBIGA BADBAADO QARAN (XBQ)

 

Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqey madal siyaasadeed oo la magac-baxday “Badbaado Qaran” oo ay ku bahoobeen maamul gobolleedyo iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Magacan “Badbaado Qaran” oo madashu qaadatay waxa ay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyiinka Qaranka (GMBDQ) u diiwaan gelisay taariikdu markii ay ahayd 1da Luuliyo 2020 Xisbiga Badbaado Qaran (XBQ) oo ka mid ah xisbiyada dalka Soomaaliya.

GMBDQ waxa ay marsiisay magac bixinta “Badbaado Qaran” ee xisbigan talaabooyin iyo baadhitaan isdaba-jooga ah. Waxa talaabooyinka ka mid ah in muddo saddex toddobaad ah Telivishinka Qaranka (SNTV) iyo Raadiyo Muqdisho is daba jooga ah looga baahiyey ogeysiis  dadweynaha lagu wargelinayo in magaca “Badbaado Qaran” la siin doono xisbiga arjiga soo gudbiyey haddii aynaan jirin cid ama urur sheeganaya magacaas.

Ka dib markii la waayey cid kale oo sheegata magaca “Badbaado Qaran” saddexda todobaad ayey GMBDQ go’aamisey in xisbigii magacaa codsadey la siiyo magaca Xisibiga Badbaado Qaran (XBQ). Waxa aad ogeysiiskii Telivishanka Qaranka iyo Raadiyo Muqdisho ee GMBDQ baahiyeen laga dawaan kara – YouTube Channel-ka XBQ ee Xisbiga Badbaado Qaran.

Haddaba, Xisibiga Badbaado Qaran wuxuu siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee magaca “Badbaado Qaran” adeegsaday ku wargelinaynaa in ay arrintaasi bulshada Soomaaliyeed ku abuurri karto jaah-wareer iyo iyaga oo kala garan waaya iskuna khalda hawlaha iyo warsaxaafeedka labada dhinac.

Waxa aanu haddaba madashan cusub si xushmad leh uga codsanaynaa in ay adeegsadan magac kale, si uusan jaah-wareer u keenin haddii la wada adeegsado hal magac oo keliya.

Xisbiga Badbaado Qaran waxa u ka fiirsanaya talaabooyinkii kale ee sharcigu u ogalyahay.


Wa Billahi Attawfiiq

 

Halkan ka soo rogo warsaxaafadeedka:

 

 

 


Noqo qofka ugu horeeya ee faallo bixiya

Fadlan ka eeg iimeylkaaga liinkiga lagaga shaqeysiinayo koontadaada.