Ka bood dhex mushaaxida

Warsaxaafadeed III

Press Release
February 25, 2021
Ref: XBQ/003/2021
Muqdisho, Soomaalia

   

WAR SAXAAFADEED

BAYAN UU SOO SAARAY GUDOOMIYAHA
XISBIGA BADBAADO QARAN (XBQ)

DR.  CABDIRAXMAAN  MAXAMED CABDI  XAASHI

 

Heshiiska xukuumadda iyo xubnaha murashaxiinta ay ku gaadheen magaalada Muqdisho waa talaabo hore loo qaaday oo lagaga gudbay dhibaatooyin jiray oo haddii ay sii taagnaan lahaayeen cawaaqib xumo lagala kulmi lahaa.

Waan soo dhaweynaynaa heshiiskan haddaanu nahay Xisbiga Badbaado Qaran (XBQ), waxaanuna in badan ku baaqnay in ismaandhaafka siyaasiga ah lagu xaliyo wadahadal.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in hawlaha horyaalla ee ku saabsan doorashada wax ka qabato si loo aado doorasho la isla-oggol yahay, waxa kale oo la gudboon xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay ka qabtaan qodobada ilaa maanta lagu muransan yahay ee caqabadda ku ah sidii doorasho loo aadi lahaa. Xisbiga Badbaado Qaran in badan ayuu soo bandhigay sidii wax looga qaban lahaa caqbadaha ku geedaaman in doorasho la qabto, haddana diyaar ayuu u yahay in uu kaalintiisa ka qaato.

Wa Billahi Attawfiiq

 

 

Halkan ka soo rogo warsaxaafadeedka:

 

 

 


Noqo qofka ugu horeeya ee faallo bixiya

Fadlan ka eeg iimeylkaaga liinkiga lagaga shaqeysiinayo koontadaada.