Ka bood dhex mushaaxida

Warsaxaafadeed I

Press Release
July 09, 2020
Ref: XBQ/001/2020
Muqdisho, Soomaalia

   

WAR SAXAAFADEED

 SHIRKA MAAMUL GOBOLEEDYADA EE DHUUSAMAREEB


Waxaan u rajeynayna shirka maamul goboleedyada uga furmaya magaalada Dhusamareeb ee Maamul Goboleedka Galmudug 9ka – 10ka Luulyo, 2020 in ay ka soo baxaan go’aammo masiiri ah oo maslaxad u noqota xaaladda siyaasadeed ee doorashooyinka ee cakkiran.

Aragtida Xisbiga Badbaado Qaran (XBQ) ee ku aaddan shirka ka furmaya magaalada Dhusamareeb ee madaxda maamul goboleedyada, waa sida soo socota:

a) Hadafka Xisbiga Badbaado Qaran ee doorashooyinka 2020/21 waxa weeye in doorashooyinku ku dhacaan waqtigii loogu  talagalay oo dadka Soomaaliyeed ee ugu tirada badan ka qayb qaataan.

b) Haddii ay lama huraan noqoto in doorashada dib loo dhigo sababo farsamo awgeed, oo lagu kordhiyo moddo cayiman oo 6 illaa 9 bilood ah si ay suurta gal u noqon karto barnaamijka diiwaan gelinta ee loo yaqaan (biometric voter registration), islamarkaana waxaan ku talinaynaa in ay noqoto arrin ay isku raacsan yihiin Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah. Waxaan ku kalsoonnahay in haddii habkaa la raaco ay doorashadu dhici karto si u suurta gelinaysa malaayiin shacabka Soomaaliyeed in ay codeyaan.

c) Haddii ay jirto fikir ka duwan qodobka (b) ee kor ku xusan, isla markaana doonaya in doorashadu dhacdo xilligiii loogu talagalay oo daah furan kana hufan doorashadii dhacday 2016kii oo uu hareeyey musuq iyo caddaalad darro, waa iney ummadda Soomaliyeed loo soo ban dhigaa qorsho siyaasadeed oo doorasho lagu qabto.

d) Waxan xusuusinaynaa madaxda maamul goboleedada iyo madaxda dowladda federaalka in ay waajib ku tahay in ay danta guud ka hormariyaan danta gaarka ah, sidaa darteed waxan ku boorinaynaa in labadoodu isu yimaaddaan, khilaafka jirana la soo afjaro, taasina waxay xoojinaysaa midnimada iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

e) Waxaan u soo jeedinaynaa madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka in mudnaanta kowaad ay siiyaan sugidda amniga iyo xasiloonnida waddanka.

f) Waaxaan beesha caalamka ugu baaqaynaa in ay taageeraan xoojinta geeddi socodka dimuqraaddiyadeed ee shacabka Soomaliyeed higsanayaan, taasna waxa lagu gaadhi karaa in beesha caalamku si mug leh oo midaysan uga qaybqaataan, xag dhaqaale, tababarid, korjoogtayn iyo farsamo.

Wa Billahi Tawfiiq

 

 

Halkan ka soo rogo warsaxaafadeedka:

 

 

 


Noqo qofka ugu horeeya ee faallo bixiya

Fadlan ka eeg iimeylkaaga liinkiga lagaga shaqeysiinayo koontadaada.