Ka bood dhex mushaaxida

Waa kuma Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdi Xaashi?

Yaa doonta wadi kara?

Soomaaliya waxay maraysaa marxalad adag oo ay u baahan tahay sidii looga saari lahaa xaaladda qalafsan ee ay dhinac walba kaga jirto, hadday noqon lahayd; Amniga, Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqo la’aanta, iyo xaaladda aanay dadka Soomaaliyeed dhaafin isla markaana aanay danaynba xattaa haddii laga hadlo, noloshooda iyo jiritaankooduna ku xidhan yahay oo ah isbedelka deegaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa, hadday noqon lahayd nabaad guurka , xaalufka, bacaadka fidaya, iyo biyo yaraan dhinac walba ah, hadday noqon lahayd roobkii oo yaraaday, ceelashii oo biyo yareeyey iyo wabiyadii Soomaaliya oo dhawaan ay u muuqato in ay goobtaba ka baxayaan.

Intaas waxaa dheer loollanka siyaasadeed ee gudaha kaas oo ah ka Soomaalida ka dhexeeya oo aan markaliya degin tan iyo markii xoriyadda la qaatay, xaaladda dalku ku sugan yahayna ay u tahay sabab, ilaa maantana ay adkaatay in xal loo helo, marxaladdan cakiran, dhibta Soomaaliya ka jirta oo ah mid siyaasadeed waxay weyday dadkii ehelka u ahaa ee fahmi lahaa qaabkii ay u maarayn lahaayeen. 

Loolanka siyaasadeed ee kale ayaa wuxuu yahay kan Soomaalida iyo dalalka ku hareeraysan ka dhex aloosan, iyada oo damaca joogtada ah ee lagu hayo hantida Soomaaliyeed dhul iyo badba ay ahayd mid ay isu kaashadeen dawladihii Soomaaliya kala qaybiyey iyo kuwa haatan dariska la ah ee deegaanada Soomaalida qaybo ka mid ah ka taliya, waxaa jira isna xidhiidhka Soomaaliya iyo caalamka oo isaguna u baahan in ilgaar ah lagu eego. 

Xaaladahaas oo dhan ee baaxadooda leh waxay u baahanyihiin xilligan aragti cusub oo isla markaana leh waaya-aragnimo qotodheer oo ka duwan aragtiyihii hore loo soo tijaabiyey 21 sano ee ugu danbaysay ee dalka Soomaaliya ay ka jirtay xukuumad caalamku garawsaday in uu la shaqeeyo, hase yeeshee markasta ay dhibaatadu ka imanasay hoggaanka xilka haya oo aan faham qoto dheer u lahayn halka ay dhibaatadu ka soo burqanayso, markastana lagu dayey dawo aan ahayn tii abbaaraysay halka ay bakteeriyadu deegaanka ka dhigatay, sababtoo ah maanta oo laga joogo 21 sano kolkii Carta  lagu soo yagleelay xukuumad Soomaaliyeed oo dalka ka hawlgasha ilaa iyo maanta dalka Soomaaliya maaha mid mideysan siyaasad ahaan, mana ah dal nabad galyadiisa ay xasiliyiin xukuumadihii isaga danbeeyey, ilaa maanta dalku malaha ciidan Soomaaliyeed oo hantay nabad galyada deegaanada laga ogolyahay federaalka, kolay ku tahay magaalo madaxda Muqdisho, waxaana maanta dalka ka jira labada xukuumadood iyo laba cashuurood oo is dhinac socda. 

Arrimaha kale ee iyaguna jira ayaa waxay yihiin in loo baahan yahay in la abbuuro kalsooni siyaasadeed oo ka dhex dhalata bulshada Soomaaliyeed ee aad ka u kala shakiday 40kii sano ee ugu danbaysay oo dhinac kasta oo Soomaaliya tiirkiisa hayaa shaki weyn ka qabo dhinac kale ee ay siyaasadda dalka wadaagaan, waana sababta ilaa maanta dalku u xasili la yahay, loogana bixi la yahay 4.5 iyo in beel waliba dhufayskeeda ku soo jirto, oo dhammaan xukuumadihii dalka soo maray ay abuuri kari waayeen kalsoonidaas, waana halkan goobta ay u udhimanyso siyaasadda Soomaaliyeed ee ay ugu baahi badan tahay hoggaamiye aqoon u leh amniga ,dhaqaalaha, maaraynta siyaasadda isla markaana tala qabeen ah, diyaarna u ah in uu ka ag dhawaado dadka ehelka u ah xalka iyo garashada. 

Ragga wadaniyiinta ah ee fahansan xaaladda dalku ku sugan yahay ayaa waxaa ka mid ah Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, haddaba waa kuma Dr. Cabdiraxmaan?

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya 2021

Wasiirkii hore ee Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda - Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya: 2017- 2018

Xoghaynta Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada: 2017- 2018 

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya 2012

Dr. Cabdiraxman wuxuu shaqadiisii xirfadeed ee hanti dhowrka ka bilaabay magaalada New York shirkadda xisaabaadka ee Coopers & Lybrand (oo hadda ah PriceWaterhouseCoopers) sanadkii 1982.

1985 – 1986,  wuxuu u wareegay in uu ka shaqeeyo waaxda khasnadaha iyo suuqyada caasimada ee Citibank / Citicorp sanadihii 1985 ilaa 1986 xarunteedu ahayd New York wuxuuna ka noqday  maamule hanti dhowre.

1987 – 1988, wuxuu ka shaqeeyey Salomon Brothers oo ku taala New York isagoo ahaa falanqeeye sare oo maaliyadeed oo warbixinno iyo talaba  siiya ganacsatada waaweyn ee howlahooda  gaanacsi iyo sarifka lacagaha qalaad kaga hawlgala  New York, London iyo Tokyo. 

1989 – 2004, Dr. Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa madaxda  Bangiga Adduunka (World Bank) Markii ugu horreysay, wuxuu ka shaqeeyay waaxda Kontrollerka ka dibna wuxuu u wareegay waaxda khasnadda iyo suuqyada raasamaalka halkaas oo uu ahaa maamule sare, wuxuu kormeeray xisaabaadka iyo warbixinta dakhliga go'an iyo soo saarka qalabka. Wuxuu sidoo kale horseed ka ahaa hirgelinta nidaamka dalabyada loo adeegsaday in lagu cabiro oo lagu maareeyo khatarta dhaqaale ee ka dhalan karta muddada dheer  iyo khaladaadka hantida iyo deymaha ee ku jira warqada dheelitirka Bangiga Aduunka oo gaadhaysa USD 115 bilyan.

Waxbarashada iyo khibraddiisa ballaaran ee Cabdiraxmaan u leeyahay  dowladda, iyo Wall Street iyo Bangiga Adduunka waxay siinaysaa aragti gaar ah iyo fahamka xiriirka ka dhexeeya qaybaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowliga ah ee dhaqaalaha, iyo gaar ahaan doorka muhiimka ah ee waaxda maaliyadeed iyo bangiyada ee ay ka ciyaaraan kobcinta ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha.

Intaa waxaa u sii dheer, khibrada iyo  aqoon qoto dheer ee  ballaadhan iyo  muhiimadda iyo doorka hay'adaha, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, in dalka lagu hago siyaasad maaliyadeed oo wax ku ool ah iyo tallaabooyinka sida abaabulka kheyraadka gudaha, miisaaniyadda iyo kharashyada dadweynaha iyo awoodda isbadalka ee tikniyoolajiyadda iyo hal-abuurnimada suuqyada soo if baxa ee aadka u rajada badan uguna macquulsan sida Africa iyo adduunkaba.

Aqoontaas qotoda dheer may noqon mid aan la tijaabin, Dr. Cabdiraxaan intii uu ahaa wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda 2017-2018 , waxa uu wasaaradda ka hawl galiyey sharciyo dhaxal gal ah oo dalka Soomaaliya faa’iido qoto dheer ugu jirto, waxa kale oo uu salka u dhigay qaabka ay u wada shaqayn karaan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo dawladaha doonay in ay Soomaaliya iskaashi kala sameeyaan dhinaca hantida Kalluunka ee Soomaaliya leedahay. 

Dr. Cabdiraxmaan mudaddii u wasiirka ahaa waxa kale oo uu salka u dhigay qorshihii deyn cafinta Soomaaliya kolkii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya kulamadii ugu horeeyey ku jaahwareertay qaabka ay uwada shaqaynayaan IMF-TA, taas oo keentay in xukuumaddu uga maarmi weyday in uu hogaamiyo gudiga dhaqaalaha, noqdana  Xoghaynta Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada, 

IMF waxay dhawr jeer  Dr. Cabdirahman  ku casuuntay  inuu ka qeybqaato shir heer sare ah sababo laxiriira dhaqaalaha, iyo aqoonta uu u leeyahay , wuxuu ahaa udub-dhexaadka khudbadaha iyo soo-jeediyaha shirarka caalamiga ah ee Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Bariga Dhexe oo ku saabsan mowduucyada dhaqaalaha iyo kobcintiisa.

Waxbrashada iyo Shahaadooyinka Dr. Cabdiraxmaan

  • D. - Dhaqaalaha : George Mason University, Fairfax, VA USA -  2010
  • Master of Science - Maaliyada : Johns Hopkins University, Baltimore, MD 2005.
  • Master of Arts in Applied Economics - Johns Hopkins University, Baltimore, MD 2003.
  • Certified Public Accountant (CPA) Oo shati ka haysta Gobolka New York – New York State University – Albany, NY - 1986.
  • Bachelor of Business Administration (Accounting & Auditing) Pace University, New York, NY - 1982

Faafinta: Qoraaga Bangiyada Islaamka: waxaa lagu daabacay sanadkii 2013 dalka Mareykanka. Buuggu wuxuu faafihin dheeraad ah ka bixinayaa  arrimaha saameeya degganaanshaha iyo waxqabadka hay'adaha maaliyadeed ha ahaadeen kuwa Islaami ah ama kuwa caadiga ah. Buugga waxaa kaloo lagu eegay  casharrada ay ka qaadan karaan bangiyada caadiga ah iyo hay'adaha maaliyadeed mabaadi'da maaliyadda Islaamka. 

Khibradaa qotoda dheer marka ay isla falgalaan talooyin mugweyn shaki kuma jiro in talaabooyin badan oo wax ku ool ah hore loo qaadayo.

 

W/Q Asad Caddaani Ibrahim

 

Ilaha Xogaha:

 

Source: https://www.facebook.com/100050272308478/posts/257373142615094/  

 

 

Sii Wad Akhrinta

Sii Akhri

Musuqmaasaq Soomaali Waa Meheraddeediiye

19 Ogosto 2018

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Dad badan oo Soomaali ah waxa fajac ku noqotay xil ka qaadistii Md. Dr. Cabdiraxman Moxamed Cabdi Xaashi, Wasiirkii Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda  oo ahaa nin u guntaday badbaadinta baddeenna, lana hubay in uu aqoon iyo daacadnimo ku hubaysnaa. Intii...

Sii akhri

Noqo qofka ugu horeeya ee faallo bixiya

Fadlan ka eeg iimeylkaaga liinkiga lagaga shaqeysiinayo koontadaada.