Ka bood dhex mushaaxida

Ujeeddooyinka Xisbiga

Xisbiga Badbaado Qaran wuxuu u taagan yahay danta guud wuxuuna tusaale u yahay dowlad wanaag iyo hoggaan daacad ah oo karti iyo go’aan qaadasho leh ujeeddadiisuna tahay:

  1. Sugida xasilloonidda, nabadgelyada, iyo amniga;
  2. Hay'addo garsoor oo madax bannnaan iyo caddaalad loo siman yahay;
  3. Shaqo abuur iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha;
  4. Ka talinta ayaaha dalka oo dib loogu soo celiyo gacanta shacbiga Soomaaliyeed iyada oo la marayo habraaca Hal-Qof-Hal-Cod;
  5. Adeeg bulsho oo wax tar leh (waxbrasho, caafimaad, gargaarida dadka danyarta iyo biyo nafiifa);
  6. In ummada Soomaaliyeed lo sameeyo dib-u-heshiisiin dhaba ah;
  7. Dowlad wanag, isla xisaabtan, hoggaan toosan, hufnaan iyo daacadnimo qaran;
  8. dhamaystirka dastuurka qabyada ah;
  9. Haddii Eebbe hoggaanka XBQ ku guuleeyo hanashada talada waddanka dhoorashada 2021 muhiimadda koowaad ma noqon doonto sidii hoggaan kayagu uu dib xukunka ugu soo laaban lahaa;
  10. Hoggaan gaari kara go’aanno masiiri ah oo xukuumadihii hore ka war wareegeen;
  11. Hoggaan ka qeyb galinaya talada dalka dhamaan qeybaha kala duwan ee shacabka.

Noqo qofka ugu horeeya ee faallo bixiya

Fadlan ka eeg iimeylkaaga liinkiga lagaga shaqeysiinayo koontadaada.