Ka bood dhex mushaaxida

Baahida Loo Qabo Hoggaamiye Ruug Caddaa ah oo Leh
Aragti Durugsan oo Mideyn Kara Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

Sida aad ula socotaan xogta dhabta ah ee dalkeena ka jira waxa ka mid ah in maamuladii dalkan soo maray dhammaantood ay ku guuldarraysteen arrimihii masiiriga ahaa ee ay ballan qaadeen in ay wax ka qabtaan sida:

  • Sugida xasilloonida, nabadgelyada, iyo amniga.
  • Wiiqidda waaxda sharci dejinta ee dawladda federaalka iyaga oo si qaawan oo dastuurka waddanka lid ku ah u farageliyey, gudanna waayey hawshii loo igmaday.
  • Garsoorka oo ah tiirarka ugu muhimsan ee hannaan dawladeed oo haba yaraate wax laga qabtay aynan jirin haddii ay tahay dhisida Maxkamadda Dastuuriga iyo maxkamadaha federaalka ee kale, gacanna ka geysan weyday kuwa dawladaha xubnaha ka ah.
  • Dhammaystirka Dastuurka Ku Meel-gaarka ah.
  • Sidoo kale musuqmaasaqa baahsan ee waddanka ragaadiyey wax macna leh oo laga qabtay aanay jirin.
  • Wax dadaal oo muqda lagama qaban shaqa abuur, adeegyada arrimaha bulshada sida cafimaadka, waxbrashada, iyo u gargaarka danyarta shacabka Soomaaliyeed.
  • Waxa sidoo kale ay iyana ku guuldarreysteen in dalka la gaadhsiyo doorasho Hal-Qof-Hal-Codsida ku qeexan Dasturka Ku-Meel-gaarka ah si talada iyo ka talinta ayaaha dalka dib loogu soo celiyo gacanta ummada Soomaaliyeed.
  • Waxa sidoo kale ay ku guuldarreysteen in ummada Soomaaliyeed loo sameeyo dib-u-heshiisiindhab ah.

Intaas waxa u dheer maamulka Maxamed Cabdulahi Maxamed (Farmaajo):

  • Faragelinta qaawan ee uu ku gabood falay doorashooyinka maamul goboleedyada oo sida ku qeexan dastuurka dalka ay xaq iyo madaxbanaani u leeyihiin. Wax kale oo wax laga xumaado ah faragelintaas in ay keentay dhimasho iyo dhawac badan.
  • Midnimadii, wadajirkii iyo walaaltinimadii ummada Soomaaliyeed ka dhexeysay oo aad u wiiqantay oo hurgumadeedi iyo xasaraddeedi illaa hada ay taagan tahay.

Astaamaha hoggaaminta suubban ee looga bahanyahay xafiiska madaxweynaha ama hoggaamiyaha dhabta ah waa in uu lahaado karti, hufnaan, dulqaad iyo dacaadnimo oo isla markaana ka hormariyo dantiisa u gaar ah, haddii ay tahay mid dhaqaale ama mid siyaasadeed tan dalka iyo dadka. Sifooyinkaas hoggaamiyaha waa wax dhif iyo nadir ku ah Soomaaliya illaa iyo intii ka sokaysay buurburkii 1991. Xubnaha Xisbiga Badbaado Qaran (XBQ) iyo aniga oo ah hogaamiyaheedii isla markaana u taagan murashaxnimada madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya (JFS) Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi waxaan leennahay kartidii, dacadnimaddii iyo hufnaanta loogu adeegayo laguna hoggaaminayo ummadda Soomaaliyeed si ay horumar, nabadgelyo iyo xasillooni buuxda loo gaadhsiin lahaa.

Mudane C/raxmaan waxa uu leeyahay waxbrasho dhammaystiran iyo waayo aragnimo badan oo saldhig u  noqon doonta hogaamintiisa.

Dr. C/raxmaan waxa uu ka soo shaqeeyey Bangiga Adduunka muddo 15 sano xaruuntiisa ku taalla Washington, DC sannadihii (1989-2004), isaga oo ahaa sarkaal sare ee arimaha maaliyadda soona qabtay xilal kala duwan sida waxaada maaliyadda iyo suuqyada raasumaalka ee Bangiga Adduunka. Waxa kale Dr. C/raxmaan muddo 8 sano ka soo shaqeeyey 1980aadkii shirkadaha dhaqaale iyo maaliyadda ugu caansan dunida ee xarumahooda ku taal magaalada New York (Wall street) ee PriceWaterhouseCoopers, Citibank iyo Salomon Brothers.

Dr. Xaashi oo uu weheliyo Madaxweynihii hore ee Bangiga Asuunka, James D. Wolfensohn

Murashax madaweyne Dr.  C/raxmaan waxa uu tacliinta ka gaaray meesha ugu sarraysa jaamacadaha ee PhD-da wuxuuna ka qaatay jaamacadda George Mason University eeku taal Virginia; kuna takhasusay arrimaha dhaqaalaha. Waxa kale oo uu labo shahaadadood oo masters-ka ee dhaqaalaha iyo maaliyadda ka qaatay jaamacadda Johns Hopkins University ee gobolka Maryland. Shahaadada hore ee afarta sano ah waxa uu ka qaatay jaamacada Pace University ee magaalada New York, kuna takhasusay xisaabinta iyo cashuuraha. Mudane C/raxmaan waxa kale uu haysta shahaadada xaqiijinaysa in uu yahay khabiir arrimaha xisaabinta iyo cashuuraha (Certified Public Accountant – CPA). Waxa u ka baxay dugsiga sare ee Banaadir iyo kan dhexe ee Mediyo Shantraale oo ku yaala magaalada Muqdisho. Dugsiga Quraanka iyo kan hoose wuxu ka dhigtay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wax qabadkii Wasiir C/raxmaan muddadii uu xilka hayey waxaa ka mid ah:

  • Mudane C/raxmaan waa wasiirkii ugu horeeyey ee Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya oo qaaday go’aamo mabaabdi ku saleysan oo geesinimo leh, oo qabtay marakiib shisheeye oo waddankeena si sharci darro ah uga kalluumeysanayey. Waxa marakiibta lagu ganaaxay 20 milyaan oo doolar.
Daacadnimada Dr. Xaashi iyo hawlkarnimadiisa ayaa keentay in maxkamad la soo taago maraakiib laga leeyahay Thailand
oo ku lug lahaa ka ganacsiga dadka iyo kalluumeysiga sharci darrada ah ee biyaha Soomaaliya. (akhri warbixinta oo dhan)
 
  • Waxaa lagu tilmaamey inuu yahay dhexdhexaadiye caddaalad ah oo Soomaalidu u wada simana tahay eexna lahayn, Dr. Cabdiraxmaan waa wasiirkii ugu horeeyey ee ka shaqeeyay isla markaana kormeeray saxeexa heshiiska ku-meel-gaadhka ah ee ku guuleystay saxeexi heeshiiskii wadaagista dakhliga ka soo xarooda ruqsad bixinta kalluumaysiga bishii Febraayo 08, 2018 ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka. Heshiiskan ku meel gaarka ah oo muhiim ah wuxuu dhabbaha u xaaray in dadka Soomaaliyeed ay si siman u wadaagaan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah, kheyraadka dabiiciga ah ee dalka waa in ay wadaagaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. Marka la barbardhigo daahfurnaanta iyo isku raacsanaanta heshiiska wadaagga dakhliga kalluumeysiga, wuxu uu aad uga duwan yahay kan Wasaaradda Batroolka iyo Kayraadka Macdanta oo uu galaaftay khilaaf isqabqabsi ahaa oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah. Waxqabadka kale ee weyn ee heshiiska wadaagga dakhliga kalluumeysiga ayaa ah in ay xoojisay nidaamka federaalka iyo wadajirka ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
  • 2017, wax yar ka dib magacaabistiisa wasiir C/raxmaan wuxuu ahaa wasiirkii ugu horreeyey ee amray in waddanka laga eryo isagoo ah Persona non-Grata (PNG) 48 saac gudahood, Agaasimihii hore ee FAO oo ku caan baxay isla weyni iyo anshax xumo qayaxan oo aan gabbasho lahayn kuladhaqmi jiray saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ugu sareeya ee wasaaradaha Kalluumeysiga, Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha iyo waliba shaqaale Soomaaliyeed oo u shaqeynaysay  hay’adda FAO.
  • C/raxmaan intii uu hoggaamiye ka ahaa Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada waxa uu door weyn ka qaatay buuxinta shuruudaha ay Hey’adda Sanduuqa Lacagta ee Caalamiga ah (IMF) ku xidhay Soomaaliya si deynta ku dhawaad lix bilyan oo doolar waddanka looga cafiyi laha.

Soomaaliya waxa ay hadda taagan tahay isgoys halis ah doorashada nagu soo fool leh haddii ay tahay garsoor madax bannaan oo loo siman yahay, ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiyadda, sugidda amniga, xoojinta midnimada, shaqo abuur iyo kobcinta dhaqaalha, ilaalinta xuduudaha bad iyo berri, iyo joojinta boobka kheyraadka dabiiciga ah ee waddanku leeyahay.

Murashax madaxweyne, Dr. Cabdiraxmaan waa hoggaamiye shirraban oo leh karti, aragti dheer, geesiya, waayo aragnimo, iyo hufnaan oo diyaar u ah in uu gaadhdo go’aamada masiiriga ah ee waddanka ka saari kara marxalda adag ee uu hadda ku jiro oo madaxdii dawladihii hore ku guuldarraysteen in ay si mug leh wax uga qabtaan.

 

Nagala soo xiriir baraha bulshada:

Facebook: @BadbaadoQaran2

Twitter: @Badbaado_Qaran

Instagram: @XisbigaBadbaadoQaran

YouTube: Badbaado Qaran



Naga caawi baahinta ololeheenna!