Ka bood dhex mushaaxida

MADASHA SIYAASADDA XISBIGA

SUGIDDA XASILLOONIDDA, NABADGELYADA IYO AMINGA

Amnigu wuxuu leeyahay mudnaanta koowaad.
Amniga Dibadda—waxaa ugu muhiimsan:

  • Hanashada iyo ilaalinta xudduudaha dalka (bad iyo birriba).
  • Dhisidda ciidanka qalabka sida iyo soo afjaridda waqtiga AMISOM.
  • Fahanka xiisadaha iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee caalamiga ah iyo kuwa gobolka (kuwa aan isku midabka nahay, kuwa iimaanku naga dhexeeyo iyo kuwa aan dariska dhow nahayba iyo isku xirkooda).

Amniga Gudaha—waxaan ognahay inaysan maanta jirin nabadgelyo wanaagsan oo laysku halleyn karo, dalkuna kala qoqoban yahay, oo diyaarad mooyee aan dhulka la mari karin. Sidaas darted, waa muhiim in loo howl galo sidii AS looga guuleysan lahaa, isla markaana dalk oo idil bad iyo birri, miyi iyo magaalo loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo waarta.

  • In la abaabulo dadka ku nool deegaannada kala duwan, si ay isaga xoreeyaan AS.
  • La dagaallanka iyo ciribtirka burcadda jid gooyooyinka sharci darrada ah dhigta.
  • Xakameynta hubka sharci darrada ah ee lagu waxyeelleyo shacabka.

GARSOOR MADAX BANNAAN
OO LOO SIMAN YAHAY

Caddaalad darradu waa dhibaatada ugu weyn ee dalka ka jirta, waxayna si xun u saameysay amniga iyo horumarka dhaqaalaha. Sidaas daraaddeed, caddaaladdu waxay leedahay mudnaata koowaad, waana in la helaa caddaalad iyo garsoor madax bannaan oo loo siman yahay, si loo ilaalinayo nafta, hantida iyo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, meel walba, xaalad walba iyo heer walba uu kaga jiro bulshada. Si taas loogu guuleysto,waxaa muhiim ah hirgelinta arrimahan:

  • Dhisidda hay’ad madaxa bannaan ee adeegga garsoorka.
  • Dhisidda iyo tayaynta Maxkamadaha heerarkooda kala duwan sida, maxkamad dastuuri ah, maxkamad federaal, maxkamad racfaan heer gobol iyo heer federaal iyo maxkamad ganacsi oo qaran.
  • Dhisidda hay’ad madax bannaan oo ka shaqeeya la dagaallanka masuqmaasuqa iyo hirgelinta sharciga masuqmaasuqa.

TALO WADAAG IYO MIDNIMO QARAN

  • Nidaam siyaasadeed oo laga wada tashaday, heshiisna lagu yahay
  • Qorshaynta iyo hirgelinta shirweyne dib-u-heshiisiin ah, heer qaran iyo heer dowlad goboleedba
  • Dhismaha guddiyo madax banaan ee:
    • Xuduudaha
    • Dib-u-heshiisiinta (Shirweeyne Guud , Shirweeyne heer goboleed, ... iwm)
    • Dastuurka (Afti u qaadista dastuurka)
  • Midnimada qaranka Soomaaliyeed waa muqaddas waana laga maarmaan in laysku raaco:
    • Awood qaybsiga federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah
    • Dib u heshiin kasabta dib-u-midaynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed

  
SHAQO ABUUR IYO DHISIDA
KABAYAASHA DHAQAALAHA

  • Maalgelinta qaybaha dhaqaalaha ee wax soo saarka leh:
    • Xoolaha
    • Beeraha
    • Kalluunka
  • Maalgelinta Awoodda Aadanaha:
    • Waxbarashada
    • Caafimaadka
    • Daryeelka Dadka Danyarta ah
  • Maalgelinta Kaabayaasha Dhaqaalaha:
    • Jidad
    • Garoomada Diyaaradaha
    • Warshadaha Qaybaha wax soo saarka dhaqaalaha
    • Tamarta iyo Biyaha
    • Ka faa’ideysiga tiknoolajiyada ee dhammaan qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha
    • Hirgelinta nidaam casri ah ee aqoonsiga muwaadiniinta (National Biometric ID)
    • Horumarinta Ganacsiga gudaha iyo Dibadda (Heshiisyo ganacsi oo lala galo wadamada dariska ah iyo kuwa caalamkaba)

DOWLAD WANAAGA IYO LA
DAGAALANKA MUSUQMAASAQA 

  • Diyaarinta misaaniyad daah furan (Bulshada rayidka ah, warbaahinta iwm), heer federal iyo heer dowlad gobaleedba.
  • Isla xisaabtan dowlada dhexdeeda ah iyo warbixin joogta ah oo si casri ah oo hufan loola wadaago dhamaan shacabka soomaaliyeed.
  • In la madax banneeyo heyadahaan:
    • Xeer Ilaaliyaha Guud
    • Hanti Dhowrka Guud
    • Xisaabiyaha Guud
    • Hey’adda Iibka Qaranka
    • Hey’adda Dakhli Uruurinta - waa in la abuuraa (Somali Revenue Authority)
    • Gudiga Ladagaalanka Musuqa (Anti-Corruption Commission - ACC )
  • Xoojinta iyo tayanta wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda:
    • Dib u habaynta iyo tayaynta Hey'adda Shaqaalaha Rayidka ah

 

KA FAA'IDEYSIGA IYO ILAALINTA
KHAYRADDKA DALKA, BADDA IYO BERRIBA

DHEEFTA IYO DHIBAATOOYINKA GAASKA, SHIDAALKA IYO MACDANTA 

Dheefta:

  • Isku fillaan dhaqaale & horumarka dalka iyo dadka
  • Sugidda sarraynta sharciga & hagaajinta haykal dowladnimo.
  • Difaaca dalka iyo qaranka
  • Dabargoynta saboolnimada & tayanta nolosha shacabka, soo celinta sharafta, karaamada iyo qabka soomaaliyeed
  • Horumarinta aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha dalka (Human Capital Development).
  • Maalgelinta iyo Dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha
  • Maalgelinta qaybaha waxsoosaarka leh ee dhaqaalaha
  • Dib-u-dejinta iyo shaqo abuurka qaxootiga iyo barakacayaasha
  • Maalgelinta dugsiyo farsamo (beeraha, badda iyo kalluumeysiga, daaqa iyo xoolaha, ICT ... iwm)

Dhibaatooyinka:

  • Khayraadka oo la boobo (looting, blundering)
  • Dagaal sokeeye oo ku salaysan qaabka loo qaybsanayo khayraadka
  • Dhibaatooyin iyo waxyeelloyin waaweyn oo ku dhaca deegaanka (bad iyo birriba)

Qorshaha XBQ waa in la hubiyaa in khayraadka batroolka iyo macdanta waddanku laga fa’iidaysto ee aan la musuqmaasaqin sida badanka dunida ka dhacda.

  • In la dhameystiro dhammaan shuruucda batroolka.
  • Dhismaha iyo hirgelinta shirkadda khayraadka dabiiciga ah ee Qaranka (SBQ)
    • Dhismaha hay’adda maamulka batroolka (HMB)
    • Dhismaha hay’adda maamulka macdanta iyo biyaha.
  • In Soomaliya ay ku biirto ururka loo yaqaano - Extractive Industries Transparency Initiative (EITI) ee loogu tala galay ka badbaadinta kheyradka wadanka musuqa.
  • Maadama shuruucda iyo hey’adihii muhiimka ahaa aysan dhamaystirnayn, in aan lagu degdegin xaraashka xirmooyinka shidaalka ee bada.
  • In la qabto shirweyne looga tashanayo arimaha shidaalka iyo macdanta si shacbiga Soomaaliyeed kalsoonidooda loo helo.
  • In dowladda federaalka si buuxda ula tashato dowlad goboleedyada sida ku qeexan dastuurka.