Mabaadii'da Xisbiga
Xisbigu wuxuu aaminsan yahay:
A. Badbaadada iyo sugidda madax-bannaanida qaranka Soomaaliyeed;
B. Midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed;
C. Dhibaatooyinka Soomaaliya waxaa lagu xallin karaa oo keliya awood Somaaliyeed, dhaqaale
Soomaaliyeed iyo talo Soomaaliyeed;
D. Dardargelinta dhismaha iyo adkaynta haykalka dawladnimo
E. Wadatashi ku saleysan is ixtiraam iyo is tixgelin oo gogoldhig u yahay dhaqanka Somaaliyeed iyo diinta Islaamka;
F. Ilaalinta xuduudaha dalka badd iyo beri iyo dhowrista deris wanaagga dalalka jaarka ah;
G. La dagaallanka qabyaaladda iyo masuqmaasuqa iyo horumarinta awoodda qofka Soomaaliga
ah iyadoo aan loo eegin qabiil, gobol, jinsi iwm;
H. Dhiiri gelinta hanashada aqoonta, hal-abuurka iyo isticmaalka teknoolojiyadda casriga ah;
I. Ilaalinta deegaanka iyo joojinta xaalufidda dhirta.