Ka bood dhex mushaaxida

Aragtida Xisbiga


Xisbiga Badbaado Qaran
(XBQ) tiirarka uu ku shaqaynayaa waa hab dimoqoraadiya, wada jir ku wajahan hanaanka dawliga ah ee Soomaaliya. Aragtidiisuna waa in la helo siyaasad degan, bed-qab iyo hagid ku dhisan xeerarka aasaasiga ah ee dawlad wanaagga, sinaanta, ilaalinta xuquuda aadana iyo doorka sharciga.

XBQ wuxuu dadaal u geli doonaa inuu abuuro fursado dhaqaale oo ay helaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada, iyadoo loo marayo maal gelinno toos ah loogu fuliyo.  Aragtidayada waxaa kaloo ku jira, sidii loo heli karo in dib loo soo celiyo xaqootiga, dib u dejin rasmiya loo sameeyo dadka gudaha ku barakacay iyo in loo abuuro ilo nololeed rasmiya, si bulshooyinka nugul ay dib ugu dhistaan noloshooda, ayna noqdaan kuwo sharaf ku nool.

XBQ wuxuu xal u raadin doonaa dhibaatooyinka daran ee ka dhashay isbedelka cimilada, isagoona abuuri doonaa hanaan rasmiya oo ku aadan ka digista wakhtiyada hore ee masiibooyinka soo wajahan yihiin, si looga gaashaanto, kuwasoo xal u noqonaya meertada sababta markasta masiibooyinka abaaraha, gaajada iyo daadadka ee waxyeelada daran u geysta bulshada, iyadoona la kobcinayo dhaqaalaha dadka ku nool deeganada masiibooyinka ka dhaceen.


Muujinaya 1 falcelin

Fadlan ka eeg iimeylkaaga liinkiga lagaga shaqeysiinayo koontadaada.

  • Mustafe mohamed Mohamud
    followed this page 2021-04-24 20:17:19 -0400